Cabdikariin Guuleed oo Ahlu-Sunna u diray baaq la xiriira doorashada Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan Galmudug ee ka dhalatay doorashadd baarlamaanka iyo hoggaanka maamulkaasi ee la isku hayo.

Guuleed oo qoraal soo dhigay facebook ayaa ugu baaqay Culumadiinta Ahlusunna in ay ka mid noqdaan maamulka laga dhisaayo Dhuusamareeb, islamarkaana markale aysan u horseedin Khilaaf iyo labo maamul.

Warka uu saaray Guuleed ayaa qornaa siddaan:

Waxaan soo dhaweynayaa bogaadinayaana muddo kordhinta ay gudoonka Baarlamaanka ee Galmudug xiligii doorashada ku sameeyeen, si dadaalada wadahal iyo wax isku soo jiid fursad loo siiyo.

Waxaana ku boorinayaa gudoonka Baarlamaanka inay dadaal weyn ku bixiyaan qancinta dhinacyada kala duwan, gaar ahaan culumada Ahlu Sunna.

Dhanka kale waxaan culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay u turaan una tanaasulaan bulshada reer Galmudug oo aan muddo intaan ka badan maamul la,aan sii ahaan karin.

Waxaan kaloo culumada Ahlu Sunna ku boorin lahaa inay ogaadaan in la gaaray xiligii ay gali lahaayeen kuna milmi lahaayeen nidaamka dowladnimo ee Galmudug, ayagoo garwaaqsanaya inaysan dhici karin sii jirista nidaam siyaasadeed, maamul iyo ciidan oo ka baxsan, hareerna socda midaamka dowladeed.