DF oo loo gubiyey cabasho ka dhan ah dhul-boob uu wado gudoomiyaha Dayniile

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal iyo waxgarad maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhul ay ku leeyihiin deegaanka Jabad-Cadde ee degmada Deyniile uu cagaf ku burburiyey guddoomiyaha degmadaas Maxamed Abuukar Jacfar, isaga oo awood sheeganaya.

Odayaashan ayaa kulankooda ku soo bandhigay sharciga dhulka uu ka burburiyey guddoomiye Jacfar oo ay iyagu leeyihiin, waxayna cabashadooda u gudbiyeen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxda ugu sareysa dalka.

Cumar Xaaji Cali Maxamed oo ka mid ah xubnihii goobta ka hadalay ayaa sheegay in si awood ah lagu burburiyey dhulkooda, iyadoo aan loo sheegin sababta, dhulkana ay u heystaan sharciyadii lahaanshaha oo ay bixisay dowladdii dhexe.

Xubnaha maanta iskugu yimid kulanka ayaa madaxda dowladda federaalka ka dalbaday in laga qabto guddoomiye Jacfar, haddii sharcigu uusan shaqeyneyna si cad loogu sheego.

Nabadoon Dr. Maxamed Daahir Xasan oo kulankaas ka hadlay ayaa isna sheegay in dhulkaas uu yahay mid caan ah oo aan xoog lagu qaadan karin, maddo dheerna lagu yaqaanay iyaga, haatana ay dowladda ka dalbanayaan inay ku ixtiraamto sharciyada ay u heystaan lahaanshaha dhulkaas.

Halkaan ka Daawo