Dagaal maanta ka dhacay Muqdisho iyo xog ku saabsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta dagaal mudo kooban socday uu dhex maray maliishiyo aan ka tirsaneyn kuwa dowladda iyo maliishiyo kale oo difaacaneysay guri laga dhisayay degmada Kaaraan, gaar ahaan xaafada Irshaad ee dhacda Waqooyi bari Kaaraan.

Dagaalkaan ayaa ka bilowday kadib markii maliishiyo ku labisan dareeska ciidamada ay lacago baad ah weydiisteen milkiilaha guri dhismahiisa ka socday xaafada Irshaad, wuxuuna u sheegay maliishiyadii leejada dooneysay in uu bixiyay lacagta canshuurta degmada, cadeynteedana uu haysto, hase ahaatee waxaa halkaasi ka dhashay muran iyo in galanta la iskula tågö.

Dadka guriga dhisanayay ayaa u qeyla dhaansaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku heyb ah, waxaana halkaasi ka dhashay dagaal, iyadoo labada dhinac ay ka kala dhinteen labo qof, halka seddax qof ee dadka deegaanka ay ku dhaawacmeen.

Maliishiyada weerarka qaaday ee doonayay in baad laga siiyo guriga dhismaha ku socday ayaa la sheegay inay ku heyb yihiin Boqor C/llaahi Geeddi Shadoor, isla markaana ay hoostagaan Taliyihii hore ee NISA Jen. Tuuryare.

Ilaa hadda cid kusoo baxday ma jirto, waxaana laga cabsi qabaa in colaadaan ay isu badasho mid aano qabiil la isu ugaarsado.