Madaxweyne Sheekh Shaakir oo war kasoo saaray doorasho ay DF ku qabato Dhuusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta loo doortay madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna, ayaa ka hadlay qorshaha uga degan xaaladda cakiran ee Galmudug.

Sheekh Shaakir oo wareysi sii laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dowladda federaalka ay uga mahad celinayaan dadaalkii ay horay ugu bixisay isu-keenidda Galmudug, hadda ay ka doonayaan inay tanaasusho si iyagu ay uga howlgalaan isu keenidda Galmudug.

Doorashadii ay maanta ku qabteen magaalada Dhuusamareeb ee isagu kusoo baxay ayuu sheegay inay ka dhigan tahay raadinta midnimada Galmudug, haatanna uu soo baxay ififaalihii Galmudug iskugu imaan laheyd, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaama ay dowladda Soomaaliya ka dib dhacday inay isku keento dadka reer Galmudug, anagu waan soo dedejinay, waxaana u soo dedejinay inay Galmudug hadiiba midowdo, waxaana ka shaqeyn doonaa inay isku timaado, markii la isku yimaadana hadaan aragno qolo naga fiican waxaan u dhiibi doonaa hoggaanka, balse hada waxaan diideynaa in Galmudug dib u dhac ku yimaado” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii madaxweyne Xaaf ay uga wada shaqeyn lahaayeen aayaha Galmudug, haddii ay dowladda federaalku faraha kala baxdo.

Sidoo kale Sheekh Shaakir ayaa sheegay in dhankooda ay dowladda ka rajeynayaan in aysan doorasho kale ku qaban magaalada Dhuusamareeb, oo ay u tanaasuli doonta buu yiri ‘rabitaanka dadka reer Galmudug’.

“Galmudug waxaan halkaan ku soo gaarsiinay anaga iyo madaxweyne Xaaf isu tanaasul, waxaan mideynay Galmudug oo kala taagan, waxaan ku soo dhaweynay dowladda federaalka, markaan ciidankii, calankii iyo magaciiba mideynay oo caasimadii soo dejinay ayey dowladdu tiri Galmudug tan ka fiicanbaan dhiseynaa ee ka wareega.

“Markaan isku adkeynay oo ka wareegi diidnay, waxaan aragna inay dowladdu meelo kale wax ka shideyso, si aan dab kale loo sii shidin ayaa u tanaasulnay, aniga iyo maxaweyne Xaaf-ba, marka dabkii ay dowladdu xilligaas shiday weli waa shidanyahay oo wixii saarnaa waa bislaa diideen” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey Sheekh Maxamed Shaakir.

Hoos ka dhageyso wareysiga Sheekh Maxamed Shaakir