Cabdikariin GUULEED oo shaaciyey 3 guul oo laga gaaray dagaalka Al-Shabaab

Mudisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa war kasoo saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka.

Cabdikariin Guuleed oo qoraal dheer soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in saddex guul laga gaaray howlgallada haatan ka socdo inta badan gobollad dalka.

Guusha koowaad ayuu tilmaamay inay tahay in shacabka ay aamineen in lala dagaalamo karo, lagana guuleysan karo kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale guusha labaad ayuu ku tilmaamay inay hadda sii kala fogaanayaan shacabka iyoAl-Shabaab, taas oo uu ku macleeyey “Halgan iyo dagaal Bulsho”.

Waxa kale oo uu guusha saddexaad ku sheegay inay tahay in markii ugu horreysay lagu qaaday dagaal xagga dhaqaalaha ah, kaas oo uu sheegay inuu sameeyey kooxda.

Halkan hoose ka aqriso:-

Ka sokow guulaha xagga dhulka ee baaxadda leh ee ilaa haatan laga soo hooyay halganka la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha argagaxida ah, waxaa kaloo ii muuqda guulo  kale ee waaweyn oo laga gaaray ciribtirka kooxahaas, guulahaas oo aan ka tilmaami karo:

  1. Guusha koowaad: In Bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamadooda qalabka sidaba ay aamineen in kooxaha argagaxisada ah lala dagaalami karo, lagana guuleysan karo. Ayadoo goobo fara badan lagu baacsaday laguna burburiyey. Arinkani oo ah mid aad ahmiyaddiisa u leh marka laga hadlayo dagaal iyo istiraatiijayahiisa.
  2. Guusha labaad: In Bulshadii iyo kooxahii Argagaxisada ay sii kala miirmayaan siina kala fogaanayaan, ka dib kolkii dagaalku uu isku badalay “Halgan iyo dagaal Bulsho”. Halkii shalay laga yaabay in loo arki karay dagaal dhex marayey ama u dhaxeeya  ” Dowlad iyo koox gaar ah”. Arinkani waxuu horseedi kartaa in aysan kooxahaasi heli doonin waxii hadda ka danbeeyao gabaad iyo cid ay isku qariyaan. Waana qodab kale oo muhiim u ah ka guul gaaridda kooxaha argagaxisada.
  3. Guusha sadexaad: In markii ugu horeysay dagaal xagga dhaqaalaha ah oo toos ah lagu qaaday kooxaha argagaxisada ah, lagana xirxiray ku dahwaad ilaa 60 xisaab bank oo ay tiilay lacago malaayiin doolar ah. Arinkaan oo horseeday in ganacsatada iyo bulsho weynta Soomaaliyeed ee ay baadda iyo boobka ku hayeen kooxahaasi ay dhiiradaan, diidanna bixinta xoolahooda lagu gumaadayey shacabkooda.

Guulahaas sadexda ah ee aan soo xusay waa arimo istiraatiiji ah, aadna muhiim ugu ah ka guul gaarista dagaalka la gula jiro kooxaha argagaxisada ah. Waxaana soo jeedinayaa hoostana ka xariiqayaa in arimahaas la sii xoojiyo, lana sii adkeeyo.

Waxaan kaloo soo jeedin lahaa kuna talin lahaa; in si dagaalka loo xoojiyo loogana miro dhaliyo la qabto SHIRWEYNE QARAN oo deg deg ah oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida: Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Saraakiisha, Culumada, Haweenka, Jaaliyadda dibadda iyo Dhalinyarada.

Shirweynahaas oo lagu xoojinayo laguna dhameystirayo qorshaha Qaran ee la dagaalka iyo ciribtirka argagaxisada iyo xagjirnimada intaba.

Guul iyo gobanimo