40 xubnood oo Al-Shabaab ah ‘oo hal goob lagu dilay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal qosheysan oo ay maanta ciidamada NISA, kuwa Xoogga dalka iyo Saaxibada Caalamiga ah ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolkaasi, sida qoraalka lagu sheegay.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciysay in weerarkan cusub ay ku dishay 40 ka tirsanaa Al-Shabaab, tiro ka badana ay dhaawacday, xilli ay isku uruursanayeen halkaasi.

“Illaa 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgalka ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dadka deegaanka iyo sidoo kale Saaxibada Caalamiga ee hawada ka taageerayey ciidamada sameeyey howlgalkaasi

“Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa shacabka Soomaaliyeed oo qayb ka ah dagaalka Khawaarijta iyo Saaxibada Saalamiga ah ee ku garab taagan dowladda dagaalkan,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeeda goordhow kasoo baxay dowladda.

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa markale farriin u dirtay dhalinyarada weli  ka barbar dagaalameyso Al-Shabaab, iyada oo ugu baaqday inay ka faa’iideysataan cafiska madaxda qaranka waxayna ballan-qaaday in si wanaagsan loola macaamili doono raggaasi.