Sawirro: Golaha Wasiirada Somalia oo soo saaray go’aan saameynaya shaqaalaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Fedeeraalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaana shirka guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu ansixiyey Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka Iyo Darajooyinka Shaqaalaha Dowladda.

Xeerkan ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshadda xukuumadda Soomaaliya, taas oo maanta golaha hor keentay.

Sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka Golaha Wasiirada wuxuu xeerkan caawinayaa xaqiijinta ujeedooyinka dowladda ee ku saabsan habka mushahar-bixinta iyo sidoo kale astaynta darajooyinka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka ah.

Meel marinta xeerkan ayaa sidoo kale meesha ka saarayo in laga guuro nidaamkii hore ee darajooyinka shaqaalaha ee ku saleysnaa kaliya heerka waxbarasho, loona guuro nidaam cusub oo ku saleysan baahiyada shaqo kasta oo dowladeed kuwaas oo ay ka mid tahay: aqoon, waayo aragnimo, xirfad iyo karti.

Siyaasadda maanta la meel mariyay ayaa sidoo kale meesha ka saareysa nidaamka hadda jira ee Darajada Shaqaalaha oo ku saleysan kaliya ‘Heer Waxbarasho’ balse aanan loo eegin heerarka kala duwan ee mas’uuliyadaha shaqooyinka kala duwan ee la qabanayo.

Dhinaca kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa uga mahad-celiyay golaha wasiirrada ee XFS oo maanta ansixiyay siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Daroohooyinka Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda.

Biixi ayaa boggaadin u diray dhammaan dhinacyadii ka shaqeeyay diyaarinta iyo ansixinta siyaasadan oo uu tilmaamay muhiimad u leedahay dowladda federaalka Soomaaliya.