Cabdikariin Laqanyo: Gal Hiiraan iyo Gobalada dhexe wax la dhaho ma jirro

Baladwayne (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka socda kulamo looga hadlaayo siddii maamul gobaleed loogu sameen lahaa gobalada dhexe ee Soomaaliya sida Hiiraan. Galgaduud iyo Mudug.

Kulamada waxaa ka qaybgalaya madax ka kala socota maamulada Galmudug, Ximin iyo Xeeb, Ahlu Sunna iyo dad ka soo jeeda gobalka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdikariin Lanqanyo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in wax Gal Hiiraan ama gobalada dhexe la dhaho aysan jiri doonin.

Wuxuu sheegay in gobalka Hiiraan loo sameen doono maamul isaga gaar u ah oo la dhaho maamulka gobalka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in maamulkiisa uusan ka warqabin maamul gobaleedka loo sameenaayo gobalada dhexe.

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb, waxaa kaloo magaalada ku soo fooleh madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo maamulka Ahlu Sunna.

Qorshahan waxaa wax ka wada xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo doonaya in maamul gobaleed ay u sameeyaan seddaxda gobal ee kala ah Hiiraan, Koonfurta Gaalkacyo iyo Mudug.

Magaalada Baladweyne waxaa ku sugan wafdi ka tirsan dowladda kuwaasoo ku howlaan dhismaha maamul cusub oo uu yeesho gobalka Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com