Cabdikariin Qalbidhagax oo casuumad ka helay mid ka mid ah maamulada dalka

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu casuumaad u fidinaayo Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi-Dhagax oo dhawaan laga sii daayay Xabsi ku yaala dalka Ethiopia.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in maamulka uu ku howlan yahay qorsho uu casuumaad ugu fidinaayo Qalbi-Dhagax.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Siyaasad ahaan ay aad isugu dhow yihiin dadka kasoo jeeda dhulka Soomaalia Ethiopia, sidaa aawgeed ay Somaliland garatay inay casuumaad gaara u sameyso Qalbi-Dhagax oo hadda ku sugan magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Qalbi-Dhagax loo sameynayo xaflad dhiiragelin ah maadaama uu yiri uu kasoo baxay gacanta DFS iyo tan Ethiopia.

Waxa uu Faysal Cali haddalkan ka sheegay kulan uu ka hadlaayay mar uu kasoo laabtay safar uu ku aaday deegaanka Ceel-Afweyn ee Galbeedka Gobolka Sanaag , halkaasi uu dagaal ku dhexmay Beelo mudo dagaalkooda uu soo laab laabtay.

Dhinaca kale, Faysal Cali ayaa sheegay inay kalsooni siin doonaan cid waliba oo kasoo horjeeda dowlada Somalia maadaama ay caqabad ku tahay jiritaanka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com