Maamulka Kismaayo mise J/Land? Axmed Madobe oo sidii qabqable u dhaqmaya

Kismaayo (Caasimadda Online) – Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka Federal-ka oo hadda magac ahaan loo adeegsado “In theory” balse duruufo jira awgeed loo isticmaalo “Consociation”.

Marka hore maxay ku kala duwan yihiin Federal-ka iyo Consociation-ka?

Federal-ka waa nidaam dowladeed ay dadku, qeyb weyn ka mid ah ay leeyihiin ay awood dheeri ah ka helaan dowladda iyada oo ay xafiisyada maamulkooda ay soo doortaan dadka.

Consociationalism, waa nidaam dimuqraadi ah oo xasilloon balse ay adeegsato bulsho aad u kala qeybsan iyaga oo qeybsada awoodaha dowladda kuna salleeya sida ay u kala xoog badan yihiin qabaa’ilada kala duwan.

Soomaaliya walow ay rasmi ahaan nidaamkeeda dowladeed yahay Federal hadana waxa ay awoodaha qabaa’ilka ku saleeyaan nidaam dimuqraadi ah oo ay isku afgarteen beelaha!

Tusaale, haddii sida hadda uu Madaxeynaha noqdo beesha Daarood waxaa qasab ah in Ra’isul wasaaraha laga keeno beesha Hawiye, kursiga golaha shacabka in muddo ah waxaa buuxin jirtay beesha Digil iyo Mirifle, waxaa taas dheer in lagu soo daray gole baarlaam oo sare kaas oo isna loo qoondeeyey beesha direed.

Sidoo kale golaha wasiirada iyo xubnaha kale ee dowladda waxaa loo qeybsadaan nidaam ku saleysan 4.5 ama haddaan si kale u dhigno dowladda Soomaliya hadda jirta waa mid Consociationalism ku salleysan.

Wadamada nidaamkaas adeegsada waxaa ka mid ah Lebanon oo Madaxweynaha loo qoondeeyo madhab ka mid ah Christian-ka halka Raisul Wasaaraha ay helaan Muslinmiinta Sunni-ga ah.

Hadaba dulucda qormadeyda waxa weeye iyada oo ay dalku isticmaalayey nidaam Federal ah oo aan fadhin taas oo ay dheertahay in uusan haysan afti dadweyne, hadana maamulada qaar waxa ay u dhaqmaan sidii hoggaamiye kooxeedii Muqdisho iyo qaar ka mida goboladda dalka muddo ka arimin jiray.

Waxaa ugu daran tusaale weynna u ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Dhawaan waxa uu garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ka soo celiyey taliye loo Magacaabay guutada 43-aad ee ka howlgasha deegaanada Jubbaland, oo ay dowladda Soomaaliya u dirtay.

Ma aha markii ugu horreeysay ee uu ficilka noocaas ah ku dhaqmo Axmed Madoobe, waxa uu sidoo kale dowladdii Xassan Shiikh Maxamuud Madaxeynaha ka ahaa isla garoonka Kismaayo u diiday in ay ka dagaan wafti heer Federal ah oo uu hoggaaminayey wasiirkii gaashaandhigga ee xilligaas Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi .

Taliyaha uu Axmed Madobe ka soo celiyey madaarka Kismaayo oo lagu magacaabo Cali Bogmadow waxa uu ka dagay magaalada Garbahaareey ee ah xarunta gobolka Gedo.

Taas waxa ay muujineysaa in Axmed Madoobe uusan awood ku lahayn gobolka Gedo!

Maamulka Jubbaland oo loo aqoonsan yahay saddexda Gobol ee kala Jubbada  Hoose (Kisaayo), (Jubbalada Dhexe “Bu’aale) iyo Gedo (Garbahaareey) waxa uu Axmed Madoobe ka taliyaa magaalda Kismaayo iyo dhawr degmo oo ay beeshiisu degto, taas soo lama oran karo maamulka uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe waa Maamul Gobolleedka Kismaayo ee ma aha Jubbaland?

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com