Xog: Halkee ka yimaadeen labada gaari ee shalay lagu weeraray VILLA Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar u muuqday mid wakhti badan laga soo shaqeeyay oo maalinimadii shalay lagu qaaday baro ay fadhiistaan ilaalada xarunta Madaxtooyada Somalia.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaa oo ku qarxay meel aan ka fogeyn xarunta Madaxtooyada gaar ahaan meelo u dhow Hotelka SYL iyo Umbulutooriyadda Ceelgaabta Degmada Xamar Jajab.

Maleeshiyada hubeysneed iyo Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in mudo ka badan 30 daqiiqo ay halkaasi ku dagaalamayeen, iyadoo markii danbe laga adkaaday maleeshiyada dooneysay inay awooda ku galaan Madaxtooyada.

Sida aan xogta ku heleyno labada Gaari oo midi ahaa nooca loo yaqaan Saruf ay abaaro (Afar saac oo subaxnimo) kasoo dhaqaajiyey gudaha Degmada Waabari, waxa uuna ku nastay goob ku tiilay agagaarka buundo labaad oo aan sidaa uga sii fogeyn Ceelgaabta.

Gaarigan ayaa la xaqiijiyay in buundo labaad uu ku sugaayay Maleeshiyaadka weerarka qaaday oo muddo kadib buundada ku gaaray Mooto bajaaj ay la socdeen.

Waxa ayna sidaa ku raaceen gaariga Sarufta oo qadar 17 daqiiqo kadib u dhaqaajiyay dhanka Ceelgaabta oo ah halka uu ka dhacay weerarka koowaad.

Maleeshiyaadka weerarka qaaday oo u dhexeeyay 5 ilaa 7, ayaa waxaa la xaqiijiyay in muddo ku dhow Afar cisho ay ku sugnaayen Degmada Waabari, halkaa oo laga abaabulay weerarka, sida aan kasoo xiganay illo lagu kalsoon yahay.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in maleeshiyaadka la socday gaariga Sarufta ee Madaxtooyada ka koray Ceelgaabta uu waday laba caag shidaal oo kiiba uu yahay 20-le.

Shidaalka ayaa gaariga la saaray inta uu taagnaa Buundada, waxaana ujeedka shidaalka la sheegay inuu ahaa in lagu ololiyo Qaraxa si uu u geesto khasaaro xoogan.

Dowlada Somalia ayaa maalmahaani aad u adkeysay amniga magaalada Muqdisho, waxaana jiray xogo muujinaayay in gudaha magaalada ay ku jiraan gaadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Sidoo kale, waxaa su’aalo ka taagan yihiin sida ay Hay’adaha amaanka ku ogaan waayen gaadiidka weerarka lagu fuliyay oo maalmahaani aad loo hadalhayay.

Geesta kale, Qaraxyada shalay ka dhacay afafka xarunta Villa Somalia, ayaa kusoo beegmaaya xili asbuuci lasoo dhaafay uu Qarax lamid ah ka dhacay Xarunta Otto Otto oo ay wada degan yihiin Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com