Cabdikariin Xuseen Guuleed oo BAAQ ka soo saaray colaadda gobolka Mudug

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda ka mid ah musharaxiinta la filayo inay ugu cad-cadaadaan doorashada 2021, ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada markale dib uga soo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Ugu horreyn wuxuu ugu baaqay labada dhinac ee diriraya inay dagaalka joojiyaan wax welibana ay ku dhameeyaan deganaan, si looga baaqsado in markale uu dhiig daato.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday waxgaradka gobolka Mudug inay u istaagaan joojinta colaadaasi, islamarkaana ay labada dhinac isugu keenaan miiska wadahadalka.

“Waxaa mar labaad baaq nabadeed u soo jeedinayaa beelaha walaalaha ah ee ku diriraya deegaanada Af-barwaaqo iyo Towfiiq, anigoo ka codsanaya inay xabadda deg deg u joojiyaan, gogol wadahadalna isugu yimaadan, colaad wiilba ku dhinte wiil kuma dhasho, burbur iyo barakac waxaan aheyna lagama dhaxlo, Waxgaradka halkaas ku suganna waxaan u soo jeedinayaa daminta colaadaas inay ku baxaan, nabadna kala dhex dhigaan dadkaas walaalaha ah ee halkaas ku diriraya.” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Baaqaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saaka dagaal cusub uu dib uga qarxay agagaarka deegaanka Towfiiq oo dhaca bariga gobolka Mudug, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli ay isa soo tarayeen baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo labada maleeshiyo, ee ku wada dagaalamaya Bariga Gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa uu dagaalku ku soo aadayaa, iyadoo maanta lagu waday in ay deegaanadaasi gaaraan Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada Magaalada Gaalkacyo qaarkood, si ay nabad u kala dhex dhigaan.

Afbarwaaqo iyo Towfiiq ayaa waxaa la tilmaamaa in tan iyo sanadkii 2011 ay ku soo noq noqdeen dagaal beeleedyada, waxaana markasta guuldareysanayay dadaalo kasta oo labada dhinac lagu kala qaboojinayay.