Cabdinuur Maxamed oo aad u dhalleeceeyey sawiradii maanta fadeexada dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa si kulul u weeraray dadkii ka dambeeyey sawiradii fadeexadda iyo dhalleeceynta abuuray ee maanta lagu soo bandhigay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu qabtay xusuka qaraxa 14-kii October.

Sawirradaas oo baabuur lagu dhejiyey ayaa muujinyey Farmaajo iyo Kheyre oo dhiig shubaya. Caasimada Online ayaa horey u shaacisya in Villa Somalia iyo xafiiska Kheyre ay iska fogeeyeen inay ka dambeeyeen.

Qoraal uu soo dhigay faceook ayuu Cabdinuur ku sheegay in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo ay tahay dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn.

“Madaxda iyo dadka kale ee ammaanada bulshada loo wakiishay waxa ay khaldaan waa la sixi karaa, waxa ay hagaajiyeenna waa la tilmaami karaa balse in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo waa dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn.” Ayuu Cabdinuur ku yiri qoraalka uu soo dhigay facebook.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa lamid ah qoladii maanta baabuurta kusoo buufisay sawirrada madaxda qaranka iyaga oo isu haysta in ay wax hagaajiyeen. Dhaqamadaas liita waa in la baabi’iyaa.”

Qoraalka uu soo saaray Cabdinuur ayaa noqday mid aan la filyen marka loo eego habka uu dhaliilay kooxda arrintan ka dambeysay iyo dhaqamada guul-wadaynta ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la ogyahay inuu yahay qof jecel ammaanta iyo buunbuunita oo xitaa uu lacago ka bixiyo, taasi oo horey ay dadka badan ugu dhaliileen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay dhacdadan ka dambeeyaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo, oo ah koox uu horey madaxweyne u dhisay oo ka shaqeysa u guulwadeyntiisa.

Lama yaqaan sababta ay kooxdan sidaas u sameysay, hase yeeshee waa koox u dhisan shaqadeeduna tahay inay sameeyaan wax kasta oo lagu amaani karo madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com