Yaa ka dambeeyey sawiradii fadeexada dhaliyey ee maanta lagu soo bandhigay Zoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa iska fogeeyey inay ka dambeyeen baabuur lagu dhejiyey sawirrada Farmaajo iyo Kheyre oo dhiig shubaya, kuwaas oo maanta la dhigay isgoyska Zoobe, oo lagu qabtay xuska qaraxii 14-kii October oo labo sano ay kasoo wareegtay.

Arrintan ayaa dhalisay carro iyo dhalleeceyn xooggan, ayada shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay wax laga xummaado ku tilmaameen in maalin murugo badan loo adeegsado olole siyaasadeed.

Hadallada ugu badan ee dadka ku dhalleeceynayeen arrintan ayaa ahaa “Ma adinka kaligiin ayaa dhiig shubay, Soomaalida oo idil ayaa shubtay’e.”

Ka sokow adeegsiga sawiiradan, ayaa waxyaabaha kale ee laga xummaaday waxaa ka mid ah in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay labadaba sababo amni uga baaqdeen xuskii lagu qabtay isgoyska, oo uu ka qeyb-galay kaliya duqa Muqdisho Cumar Filish.

“Xafiiskeena wax shaqo ah kuma lahan, mana ahan arrin saxan” ayuu yiri qof ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo codsaday inaan la magacaabin.  Sidoo kale qof ka tirsan xafiiska Kheyre ayaa yiri “Xafiiskeena kama war hayo arrintan.”

Si kastaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay dhacdadan ka dambeeyaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo, oo ah koox uu horey madaxweyne u dhisay oo ka shaqeysa u guulwadeyntiisa.

Lama yaqaan sababta ay kooxdan sidaas u sameysay, hase yeeshee waa koox u dhisan shaqadeeduna tahay inay sameeyaan wax kasta oo lagu amaani karo madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com