DF oo ciidamada booliiska u kala eexatay iyo qaar aan sanad qaadan mushahar

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan Galmudug iyo HirShabelle ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo ka badan hal sano, halka ciidamada kale ee booliiska Soomaaliya ay qaataan mushaarkood bil kasta sanadkii ugu dambeeyay.

Ciidamada Booliiska HirShabelle ayaa maalmihii la soo dhaafay dhigay Gadood ay uga soo horjeedaan mushaar la’aan heysata muddo sanad ah. Gadoodka ayaa ka dhacay Beladweyne oo meelaha qaar la sheegay in illaa hadda ay u xiran yihiin Ciidamad Booliiska.

Sidoo kale Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan Galmudug degaano ka tirsan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan ku raagtay inkastoo aysan wali dhigin gadood iyo cabasho waxaase jirta cabashooyin badan oo ka soo baxaya Ciidamada Booliiska ee Galmudug.

Dood culus ayaa ka taagan sababta loo bixin waayay mushaarka ciidamada booliska ee Galmudug iyo HirShabelle balse loo bixiyay Booliiska Gobalka Banaadir, Koonfur Galbeed iyo kuwa kale oo ku sugan degaano ka tirsan Jubbaland.

Dad badan ayaa u arka in dowladda Soomaaliya ay gacan bidixeyneyso ciidamada Booliiska HirShabelle iyo Galmudug oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya waxaana qaarkood la sheegay in ay ciidanka ka tirsanaayeen muddo ka badan 10 sano.

Qaar kamid ah ciidamada ayaa sheegay in ay mareen nidaamka diiwaan gelinta Electronic-ga oo ay sameysay dowladda Soomaaliya balse aysan wali helin xuquuqdii ay lahaayeen islamarkaana aysan ogeyn sababta ay u maqantahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com