Cabdiqaasim Salaad oo war ka soo saaray xiisada Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisada ka taagan gobolka Gedo ee u dhexeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Jubbalanad.

Cabdiqaasim Salaad ayaa sheegay in inta badan dagaallada ka socda gobollada dalka ay yihiin kuwa sokeeye, islamarkaana dadka diriraya ay yihiin walaalo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu Alle ka rajeynayo inuu istaago dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Gedo, isagoo dhaqanka ugu baaqay inay ku baxaan xiisadaasi.

“Dagaalka ka socdo goballadu inta badan waa sokeeye wax kale maahan dad walaala ah oo aan kala fogeyn ayaa isdilahaya, hadane Gedo waxaan Alle uga rajeynayaa in dagaalkaasi uu ka joogsado odoyaashana in ay ka qaataan talada oo dagaalka la joojiyo oo aan dadka lagu layn.” ayuu yiri madaxweyne hore, Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray dowladda federaalka, isaga oo sheegay in laga doonayo in meelaha ay ka aloolsanyihiin dagaalada in ay ku dhameyso heshiis nabadeed.

“Dowladda waxaa looga baahan yahay in wixii dagaalamaya ay dhexdhexaadiso wixii khilaafaad ah oo jirana nabad lagu dhameeyo ayaa looga baahanyahay in ay ka shaqeyso waana hubaa in ay ka shaqeynayso”ayuu markale yiri Cabdiqaasim Salaad.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada milatariga dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah degmada Beled-Xaawo, kaas oo weli xiisadiisa laga dareemayo xadka dheer ee ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.