Cabdiraxmaan Macalin Cali oo lagu dilay Koonfur Afrika

Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya dilalka Soomaalida ku ganacsata Koonfur Afrika loogu geysanayo dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dilkii u dambeeyey saacadihii la soo dhaafay loo geystay, Cabdiraxmaan Macalin Cali oo sugnaa magaalada Cape Town ee wadankaasi.

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo waramayaa inay marxuumka ku dileen goobtiisa shaqo, kadibna ay baxsadeen.

Sidoo kale waxaa goor dambe meesha uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo Boolis ah oo baaritaano kooban sameeyey.

Waa dilkii afaraad ee bishan gudaheeda ka dhacaya dalkaasi, waxaana kii u dambeeyey oo loo geystay muwaadin Soomaaliyeed uu todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Cape Town.

Inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dilal iyo tacadiyo kale kala kulma kooxo burcad ah oo u dhashay dalkaasi, kuwaas oo sidoo kale boob u geysta hantidooda.