Arag Sawirro: Madaxweyne Muuse Biixi oo si weyn loogu soo dhoweeyey JABUUTI

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ee saaka ka amba-baxay caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa goordhoweyd gaaray dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada dalka Jabuuti, iyada oo gegada diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen Ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

Waxayna kulan nasasho ah ku qaateen wafdiga iyo madaxdii soo dhaweysayba qeybta VIP-da ee madaarka Jabuuti, iyadoona loo sii galbiyey hoteelka ay madaxdu degto ee Kempinski.

Sidoo kale waxa saaka magaalada Jabuuti ka dagay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo isagu qeyb weyn ka ciyaaray dib u furista wada-hadalada labada dhinac, iyo weliba dar-dar gelinta in la iskugu imaado miiska wada-hadalka.

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa lagu wadaa in kulan uu dalkaasi Jabuuti ku dhex-maro madaxda Somaliland iyo Soomaaliya, kaasi oo gogol xaadh u noqon doona wada-hadalada mudada badan hakadka ku jiray.