Daawo: Gaas oo weerar culus ku qaaday Saciid Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo mar kale isku soo taagan xilka madaxweynaha ee maamulkaas ayaa weerar culus oo dhanka afka u qaaday madaxweynaha hadda talada haaya ee Saciid Deni.

Gaas oo ka hadlay xaflad weyn oo uu ku qabsaday magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay Deni inuu dib u dhigay horumarkii dowlad goboleedka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ka tegay Puntland xasiloon siyaasad ahaan, qaanuun ahaan iyo ummad ahaan-ba, 5 sano kadib waxaan u imid Puntland oo dadkeedii kala irdhoobeen, Puntland oo ciidan-keedii la iska horkeenay, Puntland magaalooyinkii ugu muhiimsanaana laga qaxayo” ayuu musharrax madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday khilaafka Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in Puntland ay ahayd hoggaanka maamullada dalka, maantana aan wax tashi ah lagala sameynin arrimo masiiriga ah, ayada oo ay dhacayaan isbedallo waa weyn.

“Puntland waxay ahaan jirtay hoggaanka maamul goboleedyada Soomaaliya, waxayna qayb ka ahayd dhammaan aragtiyada lagu maamuuso Soomaaliya, nasiib darro maanta waxba lagama weydiiyo arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Gaas.

Musharraxa oo hadalkiisa ayaa xusay in xilligan ay Puntland  u baahan tahay isbedda dhab ah, si ay u hesho madaxwyene ka samata-bixin kara xaaladda adag ee ay ku jirto.

“Hoggaaminta Puntland ee waqtigan waa ka muhuumsan tahay doorashooyinkii hore waayo Soomaaliya waxaa ka socda isbeddello waa weyn oo ay kamid yihiin cunaqabateyntii hubka oo la qaaday, goleyaasha JFS oo lagaga doodayo dhammeystirka Dastuurka” ayuu raaciyay.

Puntland ayaa haatan ku jirta xaalad adag, waxaana soconaya is jii jiid ku aadan doorashooyinka maamulkaas oo ay weli isku hayaan Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.