Cabdiweli Gaas oo weerar ku qaaday R/Wasaare Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa eedeyn kulul u jeediyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo la xiriira geedi socodka doorashada Soomaaliya.

Cabdiweli Gaas oo wareysi siiyey telefishinka Dalsan ee Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble loo madax banaaneeyey howlaha doorashada, balse uu ka gaabiyey inuu si wanaagsan u maamulo.

“Waxaan rajeynayaa in Ra’iisul Wasaaraha loo madax baneeyey howsha doorashada, waxaadna moodaa dhankiisa inuu ka jiro xoogaa gaabis ah, in marba 5 kursi lasoo tuuro wax qaldan ayey ila tahay, waa in doorashada watigeeda lagu qabto lana dadajiyo,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Cabdweli Gaas ayaa sheegay inaysan jirin marmarsiiyo dib ay ugu sii dhici karto doorashada Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kaliya u muuqato in sababta loo daahinayo doorashada ay tahay inaan la qaban doorasho xor iyo xalaal ah.

“Ma jiro marmarsiiyo muuqda oo hor istaagi karo in doorashada waqtigeeda lagu qabto, arrinta dhaqaalaha waxaa aaminsanahay inay ku filan tahay midda laga qaado dadka u tartamayo kuraasta, waxaana loo istcmaali karaa amniga doorashooyinka iyo shaqooyinka kale, mana garan karo aniga waxa illaa hadda ay doorashada la jiitameyso oo aan ka aheyn inaan la rabin doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan kaliya laheyn eedda doorashada balse ay sidoo kale leeyihiin madaxda maamul Goboleedyada oo ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu weyn ee doorashada.

Mar wax laga waydiyey in madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayuu sheegay inuusan arrintaan weli ka maqlin afkiisa.

“Madaxweynaha Puntland haddii uu tartamayo xaq ayuu u leeyahay waa nin Soomaali ah, weli ma maqlin isagoo ku dhawaaqaya inuu musharax yahay, taas waqtigeeda ayaan u deyneynaa, laakiin mas’uuliyadda doorashada inta badan waxay saaran tahay madaxda maamulada iyaga ayaana la rabay inay dardar geliyaan,” ayuu yiri Gaas.

Hadalka kasoo yeeray Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadaya xilli ay billaabatay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka inkastoo ay jirto walaac laga qabo waqtiga ay kusoo dhammaan karto.