Cabsi Garoowe ka jirta iyo musharixiin is-hubaynaya kadib tallaabadi Gaas (Xog)

Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay wararka ku soo gaarayaan Caasimada Online xafiiskeeda Garowe, waxaa aad u xoogeysanaya walaaca laga qabo in dagaal uu ka dhaco magaalada oo uu sabateeda yeelanayo madaxweyne Cabdi Weli Gaas.

Bulshada ayaa ka walaacsan gawaarida Tiknikada ah ee waardiyeynaya kolonyada musharixiinta madaxweyne ee Puntland xilli Gaas qaadanayo tallaabooyin abuuri karo isfahanwaa iyo gacan ka hadal.

Doorashada oo lagu wado in ay dhacdo 8-da Janaayo sidii caadiga ahayd ayuu hadda Gaas u muuqdaa mid si walba isugu dayaya in uu u dib dhigo taas oo cadaatay kaddib markii uu maanta soo magacaabay gudiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada la soo xulayo.

Arrintan waxaa aad uga biyo diidan shacabka iyo waliba musharixiinta oo u arka guddi u xaglin doona Gaas maadama uu isagu doortay.

Arrinta shakiga dhalisay ee la yaabka leh ayaa ah, “Sidee musharax isagu u soo xuli karaa” guddi laga rabo in ay u sinnaadaan dhammaan loolamanaaysha?

Gaas sidoo kale waxa uu dagaal ku furay Somaliland si uu u baajiyo doorashada sanadkan ee Puntland walow ay u muuqato taas in lagu fahmay oo ay u socon weyday.

Cabsidan oo kale waxa ay jirtay sanadii 2009, xilligaas oo uu Faroole ku hanjabay in uu dagaalami doono haddii doorashada dib loo dhigo. Waxaa xiligaas madaxweyne ahaa AUN Jeneral Cadde Muuse oo rabay inuu sanad ku darsado xilka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com