Daawo: Sacuudiga oo ka jawaabay bah-dilaadii Bin Salman loogu gaystay G-20

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inaysan jirin in dhaxal-sugaha dalkaas Amiir Maxamed Bin Salmaan lagu bah-dilay kulankii dalalka G-20 ee lagu soo geba gebeeyey dalka Argentina.

Markii la galayey sawirka guud ee madaxda kulanka ka qeyb gashay, ayaa Maxamed Bin Salmaan la’iska fogeeyey, waxaana la istiaajiyey geeska ugu fog safka sawirka, isagoo u muuqday mid la inkirayey.

Markii sawirku dhamaaday, dhaxal sugaha oo ah hoggaamiyaha talada ka go’do ee Sucuudiga, waxa uu durbadiiba ka dagay masraxa isaga oo aan qofna gacan qaadin, xilli ay ka muuqatay yaxyax.

Si kastaba, qoraal kasoo baxay dowladda Sacuudiga ayey ku sheegtay in Bin Salmaan aan la bah-dilin balse meesha uu ka istaagay sawirka ay tahay meel uu doortay, oo uu mar kasta sidaas sameeyo.

“Amiirka waxa uu taagnaa meel la mid ah halkii uu ka taagnaa sawirkii G-20 ee dalka China lagu qabtay laba sano ka hor” ayaa lagu yiri qoraal kaso baxay dowladda Sacuudiga oo ay baahisay wakaaladda wararka Reuters.

Ka soo muuqashadii shirka g-20 ee Maxamed Bin Salman waxa ay dhalisay muran tan iyo dilkii qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar loogu gaystay wariye Khaashuqji, la-yaabna ma ahayn sidii loola dhaqmay.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com