Gudoomiye Mursal oo laba daran mid dooro ay haysato

Tan iyo markii uu gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Federal-ka ah Maxamed Sheekh Mursal dalka dib ugu soo laabtay waxaa isha lagu wada hayey go’aanka uu ka qaadan doono khilaafka ka dhex jira golaha shacabka.

Khilaafka oo ka dhashay warbixintii uu gudiga maaliyadda ee baarlamaanka soo saaray ee eedda musuqa loogu jeediyey xukumadda, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda ayaa ilaa iyo hadda ah hadal haynta siyaasadda gudaha.

Hase ahaatee, soo dhaweyn diiran oo u muuqday dhuulo tus labada garab ee baarlamaanka ay madaarka ugu sameeyeen gudoomiyaha ayaa laba daran kala dooran siinaya Maxamed Shiekh Mursal.

1 – Gudoomiyaha waxa uu doonayaa in uu meesha ka saaro tuhunkii laga qabay ee ahaa in uu hoos tago xukumadda (Shaabadda Maqaarsaarnimo!)

Arritan waxa ay walaac weyn ku haysaa gudoomiyaha oo suuqa loo galiyey in uusan ka madax bannaaneyn xukumadda maadama markii la riday Maxamed Shiekh Cismaan Jawaari xukumadda lagu eedeeyey in ay isaga meesha soo saartay.

Hadaba, si uu shaabaddaas isaga tiro, gudoomiyaha waxa uu doonayaa in uu qaato go’aan ka dhan ah xukumadda oo meesha laga saaro kala diristii uu ku xigeenkiisa Muudey ku sameeyey guddihii maaliyadda.

Taas oo ah wadiiqo sax ah maadama xeer hoosaadka baarlamaanka uu ka soo horjeedo go’aankii Muudey, hadana, su’aasha ayaa ah gudoomiyaha maku dhacaa in uu tallaabadaas qaato?

2 – Gudoomiyaha waxa uu ka baqayaa wixii ku dhacay Jawaari

Maxamed Sheekh Mursal waxa uu ogyahay meeshii uu ka baxay gudoomiyihii uu bedelay oo dagaal uu xukumadda la galay eeday.

Haddii uu qaato go’aan ka dhan ah xukumadda waxa uu ka baqdin qabaa in lagu soo qaado weerar meesha isaga looga saaro.

Waxaa taas dheer, haddii uu Maxamed Shiekh Mursal sharci darro ku tilmaamo kala diristii gudiga maaliyadda oo ay sidoodii u sii shaqeeyaan in ay dhaawac u geysato hannaakii maaliyadda ee dowladda dhexe kala dhexeeyey beesha caalamka, taas waxa ay ku iclaamin kartaa in weerar lagu soo qaado uu sidii Jawaari la rido, waa haddii uuba sidaas yeelo!

Hadaba, waxaa laga war sugayaa waxa ka soo baxa gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiekh Mursal maalmaha soo socda iyo halka uu xaal ku dambeeyo.

W/Q: Xasan Aadan Muumin
Baydhaba, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid