Maxaa khilaafka Gaas iyo Camey ka dhalan kara?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ku Xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey ayaa xalay soo saaray gudiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka ee la soo xulayo.

Magacaabidda uu sameeyey Camey ayaa ka soo horjeedda isla magacaabis uu Cabdi Welli Gaas shalay sameeyey oo uu ku soo dhisay isla guddigaas.

Guddiga uu Gaas soo dhisay waxaa qaadacay dhammaan musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimo iyaga oo ku tilmaamay mid dhinac ka raran, oo horseedi kara in doorshada uu ku guuleysto Gaas. Dhammaan xubnaha uu magacaabay Gaas waa kuwo ku dhaw isaga.

Muxuu Camey u khilaafay Gaas?

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in sida sharciga waafaqsan ay ahayd in Gaas kala tashado magacaabista guddiga balse uu kaligii go’aanka qaatay.

Taas waxa ay meesha ka saareysaa in gudigaas sii taagnaado iyada oo abuuri doonta khilaaf xooggan oo carqaladeysa hannaaka doorashada.

Arrintan waxa ay ku soo beegmeysaa xilli cabsi weyn ka jirto deegaanada Puntland, gaar ahaan Garowe oo ay qaar ka mid ah musharixiinta aad isu hubeeyeen iyaga oo ka walaacsan qaabka uu Gaas wax u wado.

Cabdiweli Gaas hore waxa uu isugu dayey in uu doorashada dib u dhigo isaga oo dagaal galiyey mamaulka oo balse wey u socon weysay taas.

Waxaase la filayaa in madax dhaqameedka soo dhexgalaan khilaafka xoogeysanaya uu ka jira Puntland iyada oo ay dhici karto in la kala diro labada guddi ee ay Gaas iyo Camey kala magacaabeen.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com