Dowladda Soomaaliya oo cunaqabateyn socdaalka ah saareysa Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaaka iyo Jinsiyadaha Soomalaiya ayaa billowday in ay joojiso muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland (Entry & Exit stamp) kuwaas oo kabaxaya garoonka Muqdisho ama soo degaya garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa dhowr muwaadin ka qaadday Baasabooradoodii, iyada oo loo sheegay in ay sameystaan Baasaboor cusub.

Ilo kudhow xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu jiro amar dowladeed oo ay fulineyso hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha kaas oo faraya in la mamnuuca astaan aan ahayn tan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gelid ama bixitaan ah in lagu dhufto ama la saaro Baasaboorka Soomaaliya.

Sababta joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland ayay sheegeen madax katirsan dowladda Soomaaliya in ay tahay in Dowladda Soomaaliya ay dhaqangelineysa sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la sameeyey sanadkii 1962, kaas oo dalka oo dhan wadaquseeya islamraakana mamnuucaya in Baasaboorka Soomaaliya lagu dhufto Astaan gelid ama bixid oo waddanka dhexdiisa ah taas oo aan ahayn Astaanta Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

Marka la fiiriyo sida uu u dhaqangalay amarka joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland waxa muuqata in uu jiro amar degdeg ah oo la socda dib u habaynta iyo horumarin lagu sameynanyey todobaadkii tegey hannaanka bixinta Baasaboorka.

War lagu qoray barta Facebook ee hay’adda socdaalka iyo jinisyadaha ayaa u qornaa sidan:

Inta la ogyahay illaa hadda waxa uu amarka  joojiinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland saameeyey illaa 6 qof oo ka baxayey garoonka Muqdisho.

Soo Wareejinta maamulka Hawada Soomaaliya

Dadka lafagura Arrimaha socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa qaba in go’aanka lagu joojinayo muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland ay sabab u tahay arrinta maamulka hawada Soomaaliya oo halkii laga maamulayey magaalada Nayrobi ee Kenya hadda laga maamulo magaalada Muqdisho sidaas awgeedna aanay hadda suuragal ahayn in hawada Soomaaliya ay adeegsadaan duulimaadyo aan fasax duulimaad ka haysan maamulka hawada Soomaaliya, taasina ay saameyn weyn ku leedahay duulimaadyada tegeya Hargeysa kuwaas oo fasax duulimaad uga baahan Muqdisho.

Waxa kale oo jira oo isna saameyntiisa leh isbeddelka kadhacay geeska Afrika oo isna wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya siiyey awood badan oo aanay horay u lahayn sidaas oo kalana xukuumadda Soomaaliya u sameeyey xiriir hal weji ah oo ay dowladaha geesku kula dhaqmayaan Soomaaliya, taasna waxaa muujiyey Baaqii Baxardaar oo ay madaxda Itoobiya iyo Erateriya ku sheegeen in idnimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

Safarkii dhowaan madaxweynaha Somaliland uu ku maray magaalooyin kamid ah gobolada Waqooyi waxa uu ku sheegey Madaxweyne Muuse Biixi hadallo adag iyo cannaan aan diblomaasi ahayn oo uu dusha uga tuuray madaxda Soomaaliya, waxaa dad badani qabaan in tani jawaab u tahay Dhaqanka gaashaanle sare Muusi Biixi Cabdi.

Somaliland oo iskudeyeysa in ay ka go’do Soomaaliya kana baxdo Jamhuuriyadda Somaaliya ayaa wadda ololeheeda gooni isutaagga muddo 27 sano ah balse weli ma muuqato suurtagalnimada in go’idda Somaliland, waxaane lagayaabaa in hab-dhaqanka madaxda Soomaaliland uu waxbadan hortaagan yahay.