Madaxweyaha Somaliland oo beddalay go’aankii uu horey uga qaatay Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dib kaga laabtay go’aan uu horey uga qaatay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo.

Muuse Biixi ayaa 20-kii November kaga dhawaaqay magaalada Burco inaysan wadahadal la galeynin dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyo, kadib cadaadis xoogan oo Somaliland soo wajahay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in warsaxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada Somaliland lagu shaaciyay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka laabtay go’aankiisii hore ee wadahadalka la xiriiray.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Muuse Biixi  ee Hargeysa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Arrinta isbadalka go’aanka Muuse Biixi ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii shalay wafdi ka socdo midowga Yurub ay gaareen magaalada Haregysa, iyaga oo halkaasi kula kulmay Muuse Biixi.

War-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka caga jiideyso wadahadalka ay la galeyso Maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com