Cabsi laga qabo waxa uu Afwerki sameyn doono inta Xasan ku sugan yahay Eritrea

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo ay shalay uga billaabatay booqasho afar maalmood qaadan doonta. 

Caasimada Online ayaa og in ujeedka ugu weyn ee madaxweynaha u tegay halkaas ay tahay xaaladda 5,000 oo askari oo Soomaali ah oo dalkaas ku sugan, uuna kala hadlo madaxweyne Afwerki sidii loo soo celin lahaa.

Hase yeeshee, waxaan la saadaalin karin sida Afwerki u dhaqmi doono. Afwerki wuxuu xulufo la ahaa madaxweyne Farmaajo, kumana farxin in xukunka lagala wareegay. Islamarkaana, soo celinta ciidankaas ayaa sumacad iyo taageero weyn u kasbi doonta Xasan Sheekh halka ay aad u dhaawici doonto Farmaajo.

Su’aashu waxay hadda tahay, Afwerki ma ka faa’iideysan doonaa socdaalka Xasan Sheekh oo soo-celinta ciidankaas ma ka dhigi doono mid uu ku abuuro ay isugu soo dhowaadaan isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh mise wuxuu cayaari doonaa cayaar siyaasadeed adag. 

Inkasta oo Afwerki ay ka suurtowdo inuu cayaar siyaasadeed dheelo, haddana agaasime ku-xigeenkii hore ee NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa qaba in madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisaba u diyaarsan yihiin wax kasta oo uu la yimaado.

“Inkasta oo aan rumeysanahay in madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa isku dayaan wax kasta oo ay guul kusoo gaaraan. Afwerki wuxuu isku dayi doonaan inuu xadido, marin habaabiyo, uuna si buuxda u maamulo araga iyo maqalka madaxweynaha iyo kooxdiisa inta ay ku sugan yihiin Eritrea,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka. 

Dhinaca kale, Rashid Abdi oo fallanqeeya siyaasadda gobolka kana tirsan hay’adda Sahan Research ayaa sidoo kale aaminsan in safarka madaxweyne uu laba mid noqon karo.

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu Eritrea u joogaa soo celinta kumanaanka askarta Soomaaliyeed ee ay haysato Eritrea ayaga oo aan raali ka aheyn. Soo celin deg deg ah oo lagu sameeyo wiilasha maqan waxay guul deg deg u noqon doontaa Xasan Sheekh. Afewerki ma muujin doonaa niyad wanaag, oo ma abaal marin doonaa Xasan Sheekh? Mise kubbad adag ayuu ciyaari doonaa?” ayuu yiri. 

Waxaa jiray warar sheegaya in ciidankaas ay arrimo dhaqaale u xayiran yihiin, iyadoo la sheegayo inay jirto balanqaad dowladda Qatar horay ugu sameysay xukuumaddii hore oo ahaa inay bixin doonaan dhaqaalaha ku bixi doona tababarka ciidankaas kumanaanka gaaraya, waana tan keentay in Madaxweynuhu ku hormaro Eritrea ka hor inta aanu aadin dalka Qatar.

Askartaas ayaa tiro ahaan dhan illaa 5,000 oo askari ayaa dalkaas ku sugan in ka badan laba sano, wuxuuna Xasan Sheekh horey u ballan-qaaday inuu dalka kusoo celin doono. 

Xasan Sheekh ayaa intii uu ka mid ahaa Musharaxiinta Mucaaradka uu su’aalo badan ka keenay halka Ciidankaas ku dambeeyeen iyo sidii dowladdii hore aysan Shacabka iyo waalidiinta dhalinyaradaas ula wadaagin xogta ciidamadaas oo xaaladooda oo warar kala duwan ka soo baxayeen.