Muuqaaladii u horeeyey oo laga helay askarta loo qaaday Eritrea iyo madaxaweyne Xasan oo booqday (Daawo)

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku guda jiray booqashadiisa afarta maalin ah ee uu ku joogo dalka Eritrea, taasi oo billaabatay shalay. 

Ayada oo uu wehliyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa maanta booqday islamarkaana u kuur galay xubno ka mid ah askarta Soomaalida ee dalkaas ku qaatay tababar socday saddex sano.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay askartaas, oo sawirro laga soo qaaday ay muujinayaan ayaga oo sita calanka Soomaaliya islamarkaana safaf dhaadheer ku jira. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey ciidanka tababarka ay dhameysteen, wuxuuna hoosta ka xariiqay in la filayo inay xoojiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Eritrea. 

Waa markii ugu horeysay ee si rasmi ah loo arko muuqaalka askartaas tan iyo markii tababarka loogu qaaday dalkaas muddo ku dhow saddex sano kahor, ayada oo walaac badan uu ka jiro xaaladdooda. 

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale kormeeray mashruucyo dhowr ah oo horumarineed oo ka socda gobolka Koonfureed ee dalka Eritrea.

Waxaa ka mid ah biyo-xireenada Logo iyo Mislam, mashruucyo beereed, goobo laga dhaliyo korontada iyo warshado laga soo saaro caanaha.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax faah-faahino ah oo laga bixiyey wada-hadallada u dhaxeeya labada madaxweyne oo la rumeysan yahay inay ugu weyn tahay arrinta askarta Soomaaliyeed ee muddada ka badan labada sano tababarka ugu maqan dalkaas.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrinta ugu weyn ee madaxweynaha u tegay Asmara ay tahay u kuurgelida iyo qiimeynta xaalada ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyay dalkaas labo sano ka hor iyo sidii dib dalka loogu soo celin lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweynaha ayaa doonaya inuu ogaado baahiyaha ciidanka iyo haddii ay jiraan caqabado hortaagan dib u soo celinta ciidankaas, taasi oo uu kala hadli doono madaxweyne Afwerki.

Askartaas ayaa tiro ahaan dhan illaa 5,000 oo askari ayaa dalkaas ku sugan in ka badan laba sano, wuxuuna Xasan Sheekh horey u ballan-qaaday inuu dalka kusoo celin doono.