Soomaaligii u horreeyey ee xildhibaan ka noqda Finland oo xil sare loo magacaabay

Helsinki (Caasimada Online) – Qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo ka mid noqda baarlamanka Finland ayaa hadda loo magacaabay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee dalkaas u qaabilsan dhex-dhexaadinta nabadda ee Geeska Afrika, waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka Anadolu Agency. 

Suldan Said Ahmed ayaa diiradda saari doona taageeridda hanaanka nabadda ee mid ka mid ah gobollada ugu deganaansho la’aanta badan caalamka, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Finland.

Finland waxay sheegtay inay xiriir qoto dheer la leedahay dhowr dal oo ku yaalla gobolka.

“Caqabadaha uu wajahayo gobolkan jilicsan waxaa ka mid ah dagaalo hubeysan, waxaana dheer inuu hadda wajahayo mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee tobaneeyo sano,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Finland Pekka Haavisto. 

“Dhex-dhexaadinta nabadda waa mid ka mid ah ahmiydaha siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Finland.”

Haavisto ayaa sidoo kale sheegay in magacaabistan ay taageereyso dadaallada ay Finland ku xoojineyso xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka iyo in sare loo qaadayo in xal nabdeed loo helo dagaallada gobolka

Xilkan ayaan aheyn mid mushaari ah, wuxuuna Suldan ku dhinac wadi doonaa waajibaadkiisa xildhibaannimo.

Suldaan Said Ahmed ayaa u sheegay wakaaladda wararka Anadolu in magacaabistiisa ay imaneyso xilli xasaasi ah oo gobolka uu wajahayo dhibaatooyin dhowr ah, oo ay ku jiraan dagaallada. 

“Waxaan ku faraxsanahay in xilkan la ii magacaabo, waana qaadan doonaa waajibaadkeyga oo kala shaqeyn doonaa mas’uuliyiinta gobolka inay xaliyaan arrimaha taagan,” ayuu yiri.

Suldan ayaa intaas ku daray inuu dhowaan booqan doono gobolka lana kulmi doono mas’uuliyiinta si uu ugala hadlo xiriirka dalalkooda iyo Finland. 

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii haweenka iyo dhallinyarada ay ugu lug yeelan lahaayeen nabad dhisidda iyo dhex-dhexaadinta nabadeed ee gobolka.