Amiirka Al-Shabaab oo si yaab leh uga hadlay doorashada Xasan Sheekh iyo guul darradii Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubayda ayaa soo saaray fariin uu uga hadlayo doorashooyinkii dalka ka dhacay, isagoo sheegay in madaxda xukunka isku wareejisay aysan waxaba is dhaamin, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu aad ugu dheeraaday xumo ka sheegidda madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo yiri, “Doorashada ay qabteen ma jirto wax ay soo kordhineyso, good iyo abeesbaa is bedalay, waxna isma doorshaan.”

Hoggaamiyaha Al-Shabaab wuxuu madaxda Soomaalida ku tilmaamay kuwo isku kor eg, balse aan isku mowqif aheyn, wuxuu intaas ku sii daray in waxa kaliya oo heshiis ay ku yihiin ay tahay in dhowrkii sanaba mar ay xukunka isku wareejiyaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ka Al-Shabaab ahaan aysan wax dan ah ka laheyn hoggaamiye kasta oo la doorto, isla markaana aysan kala jecleyn masuuliyiinta dowladda, isagoo yiri, “Deysta oo daaya kan aad doorateen, ama deyriya oo mid kale ku doorsada.”

Abuu Cubayda ayaa wacad ku maray in dalkaan uusan ka dhaqan geli doonin xukun aan ku saleysneyn diinta Islaamka, “Dowladnimo aan ku dhisneyn diinta Islaamka iyo maamul aan u hoggaansamin oo si buuxda aan u hir gelin shareecada Islaamka, marnaba uma ogolaa doono in dalka laga yagleelo,” ayuu yiri Abuu Cubayda.

Wuxuu ku andacooda in masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ay ku baxaan gacanta dagaalamayaashooda uu ka jeclaan lahaa ‘inay xaqa raacaan.’

Sidoo kale ninkaan hoggaamiya kooxda Al-Shabaab wuxuu sheegay in doorashooyinkii dalka ka dhacay ay siyaasiyiinta ilowsiiyeen abaaraha daran ee dalka ka jira, isagoo ku dheeraaday dhaliisha ay siyaasiyiinta u soo jiiday abaarta ka jirta Soomaaliya.

Hoggaamiya maleeshiyada Al-Shabaab Axmed Abuu Cubayda wuxuu Madaxweyne Xasan ku eedeeyey dhul boob, wuxuuna ku sifeeyey siyaasi aan waxaba dhaamin kii uu xukunka uga guuleystay, isagoo yiri, “Daf-daflihii hore waxaa bedelay damiir laawe kale oo aan waxaba hambeyneyn.”

Fariintaan oo socaneysa mudo hal saac ku dhow ayuu hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubayda uga hadlayaa seddax qodob oo kala ah abaarta dalka ka jirta, doorashooyinkii dhacay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku guuleystay iyo howlgalka ATMIS oo sida uu sheegay guul dareystay 15 sano kadib.