Nin Soomaali ah oo MASJID ku yaalla Minnesota ku tooreeyey Imaamkii Masjidka

Minneapolis (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in nin maskaxda ka xanuunsan uu masjid magaalada ku yaalla ku mindiyeeyey Imaam ku sugnaa.

Jaylani Hussein, oo ah agaasimada Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka (CAIR) ee Minnesota, ayaa sheegay in Imaam Cawil Aadan ay dhaawacyo kasoo gaareen madaxa iyo gacanta, uuna geeriyoon lahaa haddii aanu caawin qof kale oo ku sugnaa Masjidka Khalid Binu Walid ee ku yaalla waddada West Lake Street.

Jaylani Hussein ayaa intaas ku daray in Imaamka uu hadda ku sugan yahay gurigiisa oo uu kusoo kabanayo. 

Waxa uu intaas ku daray in qofka weerarka gaystay uu halis ku yahay naftiisa iyo tan bulshada Soomaaliyeed. 

“Waxaan u baahnahay taageero dheeraad ah oo la siiyo adeegyada caafimaadka maskaxda. Waxaa maanta jira shaqsiyaad badan oo bulshadeena ka mid ah oo baahi daran u qaba in la daweeyo, kuwaasi oo u baahan in la geeyo goobaha lagu daweeyo,” ayuu yiri.  

Ninka weerarka gaystay oo la rumeysan yahay inuu yahay 37 Soomaali ah ayaa la xabisay, balse dacwad-oogayaasha kuma soo oogin wax dacwad ah. 

Waxaa dhowr jeer oo horey loogu helay inuu weeraro gaystay. Sanadkii tegay, garsoore ayaa xukmiyey in ninkan uusan maxkamad soo hor-istaagi karin sababo la xiriira caafimaadka maskaxdiisa.  

“Xanuunka maskaxda waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu weyn ee sababa dambiyada ka dhex dhaca bulshadeena. Haddii aan loo helin taageerada ku habboona, waxaan aaminsannahy inay sii socon doonto inay dhacaan. Qofkan wuxuu halis ku yahay naftiisa iyo bulshada,” ayuu yiri Jaylani. 

Qofka weerarka gaystay ayaa loo xiray kiisas kale, balse dacwad-oogayaasha kuma soo oogin dacwad la xiriirta weeerarka loo gaystay Imaam Cawil. 

Warbaahinta Minnesota ayaan shaacin magaca qofka weerarka gaystay maadaama aan weli dacwado lagu soo oogin.