Borama (Caasimada Online) ― Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa magaalada Boorama ee gobolka Awdal ka dhacayey falal lidi ku ah amniga, taasi oo cabsi xoogan ku abuurtay bulshada ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Awdal.
Boorama ayaa la daala dhaceysa cabsi amni, taasi oo ay ka dambeeyan dhalinyaro kooxo isku baahaystay, kuwaasi oo rabshado xoogan sameeynayey habeenimadii la soo dhaafay.
Kooxahaasi ayaa sababay bur-burin iyo boob hantiyeed, isla markaana dab qabad-siiyay guryo ku yaalay gudaha Magaalada Boorama, iyagoona dad ku waxyeeleyay rabshadahaasi oo dhammaantood ku cusub magaalada.
Caasimada Online oo isku dayday inay wax ka weydiiso Badhasaabka Gobolka Awdal, amni darada maalmihii u dambeeysay ka jirtay magaalada Boorama iyo cabsida balaadhan ee ku habsatay bulshada ku nool, ayeysan u suurta-galin.
Dhinaca kale, Caasimada Online ayaa waxay isku deyday inay wax ka weydiiso xaalada amni daro iyo rabshadahaasi Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska gobolka Awdal, kuwaasi oo noo xaqiijiyey inay gacanta ku soo dhigeen qaar kamid ah dhalinyaradii falalka amni daro ka geystay magaalada Boorama.
“Waxa dhacay maalmihii u dambeeyay, dhallinyaro kooxo ah oo nidaamkii aanu ku naqaanay ka duwan, kuwaasi oo hantida, gaadiidka iyo meheradahaba burburinaya, dadkana waxyeelo u geysanaya, dhacdooyinkaasi dhowrkii habeen ee u dambeeyay ayay ka socotay magaalada, markaa annaga oo la kaashanayna Ciidanka iyo dadweynaha Gacan adag ayaanu ku qabanay” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan booliska Borama oo Caasimada Online la hadlay.
Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Awdal, Gaashaanle sare Guutaale ayaa isaguna sheegay in dhalinyartaasi ay maalmihii u dambeeyay ay culeys badan ku hayeen magaalada, isagoona xusay inay rabshadahaasi qeyb ka ahaayen dad waalid ah, wuxuuna yiri
“Dhallinyaro koox-koox ah ayaa culays badan ku hayey magaalada, imika illaa labaatameeyo ayaa saldhigyada ku xidhan, waalidna way ku jiraan, doraadna qaar ayaanu jeelka u gudbinay. waxaana si gaara ugu mahad-celinayaa dab-damiska oo aqalada ay gubeen aad noola hawl-galay”.
Si kastaba, magaalada Boorama ayaa inta badan waxa lagu tirin jiray magaalooyinka ugu nabad-gelyada badan deegaanada Somaliland, balse rabshadihii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay, ayaa ka dhigaya mid xaaladeedu aysan daganeyn, inkastoo ay laamaha amaanku ku howlan-yihiin soo afjarida falalkaasi lidiga ku ah amniga.
Caasimada Online
Xafiiska Borama
Caasimada@live.com