Cabsidii ay qabeen madax goboleedyada oo meesha ka baxday (Maxaa isbedelay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa ka tegay magaalada Muqdisho, ayada oo ay meesha ka baxday cabsidii ay ka qabeen in baarlamanka uu diido inuu ansixiyo heshiikii ay la galeen Villa Somalia.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay gaaray magaalada Baydhaba, halkaasi oo uu kula sugan yahay dhiggiisa Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, halka madaxweynaha Galmudug uu isna sidoo kale shalay ku laabtay magaalada Duusamareeb.

Madax goboleedyada ayaa Muqdisho ku sugnaa tan iyo markii ay heshiiska doorashada la galeen Villa Somalia 17-kii September, ayaga oo waday olole ay xildhibaanada taageero uga raadinayaan inay heshiiska saxiixaan.

Waxay rumeysnaayeen ama ka cabsi qabeen in Villa Somalia ay heshiiska ku fashiliso baarlamanka, oo halkaas lagu diido, inkasta oo aysan jirin, sida la rumeysan yahay, wax qorshe ah oo madaxtooyada ay arrintaas ka leedahay.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madax goboleedyada ay hadda u muuqatay in heshiiska uu haysto taageero xooggan lana ansixin doono marka la horgeeyo baarlamanka, maalinta Sabtida ah.

Waxaa hadda Muqdisho ku haray madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabelle, oo la filayo inay ayagana ay ka tagaan caasimadda maalmaha soo socda.

Heshiiska doorashada ayaa la rumeysan yahay in xitaa haddii uu baarlamanka diido uu madaxwenaha ku ansixin doono mara madaxweyne, si dalka uu doorasho ugu dareero.