Soomaaliya iyo Kenya ‘oo ku dhow inay heshiis gaaraan’

Nairobi (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha ganacsatada qaadka gobolka Meru ee dalka Kenya ayaa ogolaaday inay waqti dheeri ah siiyaan dowladda Kenya, si ay u xaliso muranka ganacsi ee kala dhaxeeya Soomaaliya, kadib markii ay soo baxday “in labada dowladood ay ku dhow yihiin heshiis ay gaaraan.”

Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale joojiyey dibad-baxyo ballaaran oo ka dhan ahaa dowladda oo ay qorsheeyeen, kadib markii xayiraadda saaran qaadka miraa ee Kenya ay lix bilood u buuxsantay Sabtidii.

Ganacsatada, beeraleyda iyo hogaamiyayaasha laga soo doorto gobolka Meru, oo muddo qorsheynayey dibad-bax ka dhan ah dowladdooda, ayaa hadda sheegay inay kulmi doonaan Jimcaha, si ay mar kale u eegaan xaaladda.

Kooxdan ayaa u yeeray shan xildhibaan oo laga soo doorto gobolka iyo deegaanada ku dhow, si ay gacan uga gaystaan inay gaaraan go’aan kama dambeys ah.

Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale hakiyey dibad-bax ka dhan ah wasiirka beeraha Kenya Peter Munya, kadib markii uu u sheegay inay dulqaad yeeshaan islamarkaana madaxweyne Uhuru Kenyatta uu wada-hadallo la leeyahay madaxwenaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isaga oo la hadlayey weriyayaasha ayaa barasabaaka gobolka Meru, Kiraitu Murungi waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in madaxweyne Kenyatta uu u xaqiijiyey inuu ku guda jiro sidii arrintan xal loogu heli lahaa.

“Waxaan rumeysanahay in dhowaan aad maqli doontaan war wanaagsan,” ayuu yiri Murungi.

Caasimada Online oo Villa Somalia wax ka weydiisay heshiiska la sheegay inay ku dhow yihiin Soomaaliya iyo Kenya inay ka gaaraan arrinta qaadka, waa ay ka gaabsatay inay ka hadasho.