Cadaado oo gadoodsan iyo Cabdi Qeybdiid oo ku biiray (Xasan Sh. oo uu xaal ku xun yahay)

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa si weyn ugu gacan seyray go’aankii ka soo baxay madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in caasimada maamulka Gobollada Dhexe ee dhowaan la dhisi doono ay noqon doonto magaalada Dhuusmareeb, waxaana madaxweynaha maamulkaasi Cabdulaahi Cali Baarleex uu sheegay inaan la aqbali karin faragelinta madaxweynaha ee arrimaha gobolada dhexe.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Federaalka inuu jebiyay dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka, isla markaana aanu sharci u lahayn inuu magacaabo caasimadda maamulka gobollada dhexe, isagoo caddeeyay inay arrintaasi ka shirayaan oo go’aan cad ka soo saari doonaan.

Qeybiid_BaarlexDhinaca kale madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo wafdi la socda ayaa shalay gaaray degmada Cadaado, iyadoo la sheegay inay wadahadal la yeelan doonaan maamulka Ximan & Xeeb oo ay ka wadahadli doonaan go’aanka madaxweynaha iyo tallaabada ay ka qaadan doonaan.

Labada maamul oo ku mideysan qorshe ka horjeeda kooxda Dhuusamareeb ee guusha hordhaca ah gaartay ayaa lagu wadaa inay ka hor yimaadaan caasimadnimada Dhuusamareeb soona saaraan bayaan wadajir ah. Arrintan ayaa jahwareer cusub ku abuuri doonta madaxweyne Xasan Sheekh oo marba uu dhinac dab uga soo shidmayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com