Xiisad ka dhalatay digniintii Britain ay u dirtay Kenya ka hor weerarkii jaamacadda GAARISA !!

Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Britain ayaa baahisay in Xiisad Siyaasadeed ay ka dhextaagan tahay Dowladaha Britain iyo Kenya.

Xiisada ayaa la sheegay inay ka dhalatay digniintii dhanka amaanka aheyd oo ay dhawaan Britain u dirtay Kenya, kadib markii Dowlada Uhuru Kenyatta ay ku andacooneyso in weerarkii gaarisa ay wax ka ogeyd dowlada Britain.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, ayaa waxaa lagu sheegay in sababihii ay u kordhiyeen digniinta ku aadan in aan socdaal lagu tegin Kenya, oo ay ka dhaceen weeraro wax u dhimay ammaanka.

“Waa waajib na saarnaa sidii aan u badbaadin lahayn Muwaadiniinta Britishka meel kasta oo ay joogaan”

Qoraalka waxaa lagu xusay inay heleen warar dhinaca Sirdoonka, taasi oo keentay inay dadka British-ka Beesha Caalamka uga digeen khatarta laga filan karo Kenya, sidaana ay ku faafiyeen digniinta, balse aysan jirin dano gaar ah.

Hadalkan ayaa soo baxay, kadib, markii ay haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Amino Mohamed ku difaacday Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo sheegay inay ka xun yihiin sababaha ay Britain uga digeen safarradda lagu tago Kenya.

Dhinaca kale, arrintaani ayaa sababtay in xiriirka Britain iyo Kenya ay ku imaado hoos u dhac, waxa ayna taasi sababtay in labada dal ay kala difaacdan Siyaasadahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com