Video: Ma ka maleysan laheydeen Afada wiilkiina cadaawad heerkaan gaarsiisan?

Sida waayo-aragnimadu na barayso afada iyo waalidiinta saygeeda (in-laws) waa soddohda iyo soddogga wax kalgacal ah ma dhaxmaro, mararka qaarna waxaaba suuragal ah inay isu qaadan nacayb gaaro heer aan la rumaysan karin sida aan ka arki karo haweeneey Hindi ah oo qiratay inay muddo 1 sanno ah waalidiinta saygeeda kaadideeda shaaha ugu biifi jirtay.

Haweeneeydaan, waxay falkaasi xun qiratay kaddib markii soddohdeedu ay ugu gashay jikada, aragtayna ayadoo jalamadda shaaha ku kadaloobsatay, kuna kaadinayso. Sida uu ku warbixinaayo qalabka warbaahinta Hindiya, Rekha Nagvanshi oo 30 jir ah, waxaa ka batay oo ay ka daashay faragelinta joogtada ah ee waalidiinta ninkeeda, bilowgiina waa ka carartay guriga saygeeda oo laysku qalqaalshay (arranged).

Hase yeeshee wuxuu ku qanciyay inay dib ugu soo noqoto gabartooda 4 jirka ah awgeed. Taasoo ay ka yeeshay kaddib markii uu oggolaaday inuu cuntada kariyo, dharka u dhaqo cagahana u daliigo ninkeeda Deepak oo 34 jir ah. Taasina waxaa inay joojiyaan isku dayay hooyadiis Suraj oo 60 jir ah iyo ninkeed Ajith oo 55 jir ah. Taana waa sababta ugu weyn oo dhalisay carada Rekha.

Nagvaanshi waxay ka carootay ninkeeda hooyadiis oo ka celisay inuu ka qaybqaato hawsha gurigooda ee Degmada Indore ee Gobolka Madhya Pradesh.

Kddib markii ay Booliska u tageen, una sheegeen dhacdadaan, Booliiska waxay ugu jawaadeen in dacwadaan aysan shaqo ku lahaynin.
Waalidiintaa oo naxsan waxay sheegeen in samaysan doonaan dacwad-ooge gaar ah (private Prosecution). Suraj waxay tiri: Kuma kaadi kartid qof shaahiisa muddo 1 sanno ah oo sidaa kuma baxsan kartid, waxaan doonaynaa caddaalad.

Rekha iyo ninkeeda Deepak haatan waa kala nool yihiin.

Axmed Moxamed Axmed