R/W CCC oo gaaray Garoowe xilli la isku hayo…

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe waxaa maanta soo gaarey wafdi uu hoggaamiyo Ra’isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulka Puntland, wasiirro, xildhibaanno, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Ra’isal Wasaaraha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale dadweyne tira badan oo ruxayey caleemo qoyan iyo calammada Puntland iyo Somalia ayaa taagnaa hareeraha jidka laamiga ee isku xira garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada.

Muddada Cumar Cabdirashiid Garowe ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo waxyaabaha ay kawada hadli doonaan madaxda Puntland iyo Ra’isal Wasaare Cumar Cabdirashiid, balse wararka hordhaca ah ayaa tibaaxaya inay ugu muhiimsan yihiin Higisiga 2016-ka iyo maamulka la qorsheynayo in loo dhiso gobollada dhexe. Dowladda Somalia iyo Puntland ayaa isku haya arrinta doorashada, ayada oo Puntland ay diidan tahay in DF ay waqtiga korarsato.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysey ee Cumar Cabdirashiid ku yimaado Puntland laga soo bilaabo markii xilka Ra’isal Wasaaraha loo soo magacaabey.

Caasimada Online
Xafiiska Garrowe
Caasimada@live.com