“DF markii ay noo baahato bay na aqoonsataa goortii ay danteeda gaartana wey na xaqirtaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Tallada Ahlu Sunna Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir, oo ka hadlaayay go’aanada Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa sheegay in DF Somalia looga baahan yahay inay aqoonsato jiritaanka Ahlusuna.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay ka hiiliso Ahlusuna markii wax looga soo baahdana la aqoonsado, xiliga laga gaaro dantii laga lahaana la beeniyo jiritaankooda.

Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir, ayaa Madaxweyne Xassan iyo Xulafadiisa ugu baaqay inay ka waantooban waxa uu ugu yeeray kala geynta dadka ku nool Gobolada dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna xaqiijiyay in jiritaan ahaan ay awood buuxdo u leeyihiin inay Somalia kasoo dhex muuqdaan balse xiligaani hamigu uusan sidaa aheyn.

Waxa uu soo hadal qaaday in qorshaha Maamulka loogu sameynayo labada Gobol aysan door ku laheyn Ahlu sunna oo uu sheegay in wax badan ay usoo dhabar adeegtay Nabadda Deegaanka, iminkana aysan muuqan cid qireyso dadaalkaasi.

Sheekh Cumar ayaa sheegay in ay ahayd in Dowlada ay cadeyso doorka Ahlu Sunna ee Maamulka hase ahaatee waxa uu sheegay in kaalintooda aan la cadeyn ilaa hadda.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in DF Somalia ay iska indhatirto awooda iyo jiritaanka Ahlusunna, haddii ay taasi dhacdana ay qaadi doonaan talaabooyin ay kula laabanayaan kalsoonidooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com