Ciidamada Ethiopia oo xoog ku galay Cadaado

Cadadao (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo shalay loo diiday inay galaan degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa la sheegay in iminka ay xoog ku galeen, islamarkaana ay fariisimo dhowr ah ka sameysteen degmadaasi.

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ciidanka Ethiopia horey ugu diiday inay galaan Cadaado, ayaa la sheegay in kadib markii uu ka baqay iska horimaad labada dhinac ah uu fasaxay ciidanka Ethiopia.

Ciidamadaan ayaa u tagay degmada Cadaado xaqiijinta amaanka, maadaama maalinta berri ah la qorsheeyay in halkaasi uu ka furmo shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Wararka ayaa tilmaamaya in Ciidamadu ay Fariisimo ka sameysteen garoonka diyaaradaha dagmada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo melo kale oo muhiim ah, kuna yaalla degmadaasi.

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa weli wax war ah ka soo saarin ciidamadan Itoobiya ee gudaha u galay degmadaasi, waxaana dhawaan degmada Cadaado dib kaga laabtay ciidanka Jabuuti oo ka gudbi waayay degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka sheegay degmada Dhuusamareeb in 11-ka bishaan degmada Cadaado uu ka furmayo shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com