Sawirro: Qaxootiga Yemen ee yimid PUNTLAND

Boosaaso (Caasimada Online) – Dekadda magaalada Bosaaso ayaa maanta (Jimca) kusoo xeratay dooni siday Qaxooti Soomaaliyeed oo kasoo cararay dagaalada ka socda dalka Yeman.

Tirada qaxootiga ee Jimcihii soo gaaray Boosaaso ayaa ahaa kuwii ugu badnaa ee kasoo carara dagaalada Yeman, iyadoo ay gaarayeen 260 qof oo isugu jiray Dumar, Caruur, dad waayeel ah iyo Rag, waxaana dadkaasi qaarkood ka mid ahaa dad xanuunsan oo gaadiidka dadka lagu riixi lagu waday.

Horay ayaa dekadda Boosaaso waxaa kasoo degay tiro qaxooti Soomaaliyeed oo gaarayay 420 qof, waxaana dadkaasi lagu howlan yahay sidii loogu heli lahaa dib u dejin iyo goobo ay ku noolaadaan.

Tan iyo markii ay ka qarxeen Yeman dagaalada u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo Dowladda ayaa waxaa bilowday barakac soomaalidii ku nooleyd Yeman iyo dadkii wadanka u dhashay oo usoo qaxay Somalia.qaxootiyeman-qaxootiyeman-1
qaxootiyeman-3qaxootiyeman-4qaxootiyeman-5qaxootiyeman-6qaxootiyeman-7qaxootiyeman-8qaxootiyeman-9qaxootiyeman-10