Gen. Indha-Cade oo u jawaabay Ximan iyo Xeeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda Somaliya, ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wehlineysa safarkiisa Magaalada Dhuusamareeb, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Madaxweynaha Maamulka Ximan & Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex), ayaa sheegay in wax khalad ah tahay tallaabada, uu Madaxweyne Xasan uu Caasimadda Gobolada Dhexe ugu aqoonsaday Dhuusamareeb.

General Yuusuf Maxamed Siyaad oo caawa ka hadlay hadalka ka soo yeeray Maamulka Ximan & Xeeb, ayaa dhankiisa wax nasiib daro ah ku sheegay in Maamulkaasi uu ka horyimaado hadalkii Madaxweynaha Somaliya.

indha iyo xasan“Waa nasiib daro in Ximan & Xeeb ka hor timaado hadalkii Madaxweynaha Qaranka, waa hadal qiimo badan leh, wax laga hor yimaadana maba aha.” Ayuu yiri General Yuusuf Maxamed Siyaad.

Waxa uu sheegay inay Magaalada Dhuusamareeb u taggeen, iyagoo ka shaqeynaya in Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe lagu qabto Magaalada Cadaado, loona gayn lahaa Ergada wax dooraneysa iyo Odayaasha Golaha Dhaqanka.

“Anaga oo dhan waxaan ka shaqeynaynay sidii Magaalada Cadaado loogu qaban lahaa Shirka Maamulka Gobolada Dhexe, Odayaasha Dhaqanka iyo Ergadana ay u taggi laheyd.” Ayuu yiri General Indha Cadde.

Waxa kaloo uu yiri “Cadaado iyo Dhuusamareeb waxba kuma kala duwana midii laga dhigo Caasimaddii Gobolada Dhexe, waxay ahayd in la wada taageero, ee in laga horyimaado ma ahayn.”

General Indha Cadde, ayaa yiri “Wax horumar ah lama gaari karo, haddii aan leesku tanaasulin, waxaa la rabaa in dadka deegaanka ay isku tanaasulan, muhiimadana la saaro sidii loo dhisi lahaa Maamul ay dadka dhan ka soo wada muuqdan.”

Hadalkan, ayuu General Indha Cadde ku sheegay wareysi uu siiyay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com