Ciidamada ETHIOPIA oo loo diiday in CADAADO ay galaan iyo iska hor-imaad laga cabsi qabo !!!

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa u diiday ciidamo Ethiopian ah oo kasoo baxay magaalada Dhuusamareeb inay galaan gudaha Cadaado.

Ciidanka Eithiopia oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa waxay ku xayiran yihiin deegaanka Mareer-Guud oo ku yaalla duleedka magaalada Cadaado, halkaasi oo is-hortaag ay ku sameeyeen ciidanka maamulka Ximan iyo Xeeb.

Ujeedka ciidanka Eithiopia ay ugu socdeen Cadaado ayaa ah sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka madaxweyne Xasan Sheekh oo maalinta sabtida ah la filayo inuu magaalada tago.

Wada hadallo ayaa socda si ciidanka Ethiopia loogu ogolaado inay tagaan Cadaado, iyadoo maamulka Ximan iyo Xeeb si aad ah u diidan yahay hadalkii madaxweyne Xasan ee ahaa in Dhuusamareeb ay tahay caasimadda maamulka la dhisayo ee gobollada dhexe.

Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay inaysan taageersanayn go’aanka Xasan Sheekh uu ku gaaray inay Dhuusamareeb noqoto xarunta maamulka gobolada dhexe, waxaana laga yaabaa in khilaafkan cusub uu sii daba-dheereeyo dhisamaha maamulka gobollada dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com