Cadadka Mooshin wadayaasha oo sii kordhay iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshinka laga wado Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo lagu eedeynaayo xad gudubyo ka dhan ah qodobada Dastuurka dalka.

Xildhibaanada Mooshinka saxiixay oo dib loo soo cusbooneysiiyay ayaa waxaa saaka lasoo sheegayaa inay gaareen heerkii ugu sareeyay marka loo eego Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari, ee doonaaya inay difaacaan Mooshinka socda.

Mooshin wadayaasha taabacsan Xukuumada Somalia ee doonaaya in la rido Guddoomiye Jawaari oo tiradooda gaareysay 198 ayaa waxaa iminka ku biiray 10 Xildhibaan oo dheeri ah,kuwaa oo kasoo go’ay garabka Jawaari.

Xildhibaanada guud ee iminka taabacsan Xukuumada ayaa gaaraya 208 Xildhibaan oo si rasmi ah u saxiixay Mooshinka, kuwaa oo intooda badan xalay hooyday Hooyga Ra’isul wasaare Kheyre, sida aan xogta ugu danbeysay ku helnay.

Xildhibaanada cusub ee ku biiray Mooshin wadayaasha ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu ku goodinaayo inaanu xilka uga dagi doonin cod la’aan.

Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari ayaa waxaa xiligaan u badan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia oo iyagu u muuqda kuwo ilaalsanaaya xilalka ay ka hayaan Xukuumada waxaana ku jira Wasiirka Maaliyada iyo wasiirka Amniga Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada labada garab ayaa marba dhinac u badanaaya, waxaana la khiyaasi Karin sida uu arinku noqon doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com