ONLF oo shaacisay dhibta Sarkaalka Qalbi-Dhagax loogu dhex geysto Xabsiga Ethiopia!

Muqdisho (Caasimada Online)-Jabhada ONLF ee sida aadka ah uga soo horjeeda maamulka DDSI ayaa shaaca ka qaaday in si fool-xun loola dhaqmo Sarkaalka Cabdikariin Muuse  Qalbi-Dhagax oo dhawaan ay dowlada Somalia u gacan galisay Ethiopia.

Cabduqaadir Hirmooge, oo ah Afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in dowlada Ethiopia aysan waxba u yareysan Qalbi-Dhagax, hase ahaatee ay falalkaasi kula xisaabtami doonaan dowlada Ethiopia iyo inta garabka kusiisay dhiibista Sarkaalka.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Hirmooge oo u waramaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in oogada Qalbi-Dhagax ay qarisay calaamadaha jir dilka ay u geysteen ciidamada Ethiopia ee ku dhex haya Xabsiga.

Hirmooge, waxa uu sheegay in Sarkaalka lagu amray in uu la hadlayo warbaahinta sheegana in uu ka tanaasulay fikirkii uu horay u qabay.

Waxa uu intaa ku daray Hirmooge, in Qalbi-Dhagax lagu amray in mudada uu ku guda jiri doono la hadalka warbaahinta uusan muujinkarin jir dilka loo geystay iyo waxyaabaha uu kala kulmay xabsiga dhexdiisa.

‘’Waxaan aad uga xunahay sida loo jirdilay Qalbi-Dhagax, waxaan naga daadagi doonin waxyaabaha ay qarineyso Ethiopia, waxaana inoo balan ah aargoosiga jir dilka iyo tacadiga Qalbi-Dhagax’’

Hirmooge, waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in weli ay dhibaato culus heysato Qalbi-Dhagax maalin walbana Xabsiga lagu jirdilo sida uu hadalka u dhigay, isagoo lagu khasbaayo inuu sheego waxyaabo dhaawici kara sharafka ONLF.

Geesta kale, dowlada Ethiopia ayuu sheegay in Qalbi-Dhagax ay ku cadaadineyso in dib uga laabto fekerka Jabhada ay ku xoreyneyso dhulka DDSI, oo iminka ay hantisay Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com