Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaar oo digniin culus u diray wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa digniin culus u diray Xubnaha Beesha caalamka u jooga Somalia.

Xildhibaanada ayaa Xubnaha beesha caalamka uga dugay inay faraha kula sii jiraan Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Beesha caalamka ay kasoo talaabtay xadkii loogu tallo galay, sidaa aawgeed laga doonaayo inay faraha kala baxdo howlaha Mooshinka.

Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa sheegay in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay faragelin toosa ku hayaan howlaha Mooshinka, waxa ayna ku baaqeen inaysan culeyska kusii kordhin Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada saxiixay Mooshinka laga keenay Guddoomiye (Jawaari) kana mid ahaa Xildhibaanada kulanka ka yeeshay faragalinta xubnaha Beesha caalamka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baarlamaanka la siiyo madax banaani ku aadan inay qabsadaan hawlahooda.

Jeesow waxa uu sidoo kale sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya looga baahan yahay inay fara kala baxaan arrimaha siyaasadeed ee maalmahaan ka dhex taagan Golaha shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka Xildhibaanada ku baaqay in Beesha Caalamka ay faraha kala baxdo Mooshinka ayaa kusoo beegmaaya xili labada maalin un ka hor ay wakiilada ku baaqeen in la joojiyo Mooshinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com