Caddeyn: CC SHAKUUR oo FARMAAJO kaga been sheegay qaraarkii QUDUS

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu wax ka ogaa go’aankii ay safiirka Soomaaliya ee Geneva, Faaduma Cabdullaahi Insaaniya uga aamustay qaraar lagu cambaareeyey haysashada Israel ee dhulka Golan Heights ee Syria.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale Farmaajo ku eedeeyey inuu safiirkiisa Soomaaliya ee QM, Abuukar Baale uu ku cadaadiyey inuu ka aamuso qaraarkii lagu cambaareeyey go’aankii Donald Trump uu dabayaaqadii sanaddii 2017 magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa u dhignaa sidan “Sidan oo kale ayuu Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyey Safiirka Soomaaliya Qaramada Midoobay u fadhiya in uu ka aamuso go’aankii lagu canbaareeyey in Qudus ay tahay Caasimada Israel. Hadii uu Madaxweynuhu ku qanacsan yahay in ay aamusnaanta go’aanadan dani ku jirto, ha yeesho geesinimo uu masuuliyada go’aanka ku qaato. Laakiin ma dhici karto, laga soo bilaabo dhiibistii Qalbidhagax in la yiraahdo Madaxweynuhu ma ogayn.”

Si kastaba, baaritaan ay Caasimada Online ku sameysay arrintan ayaa waxaan ku ogaanay in Soomaaliya aysan ka aamusin qaraarkii maqaamka Qudus ee QM ay meel-merisay 21-kii December 2017, balse ay si buuxda u taageertay.

Soomaaliya ayaa ka mid ahayd 128 dal oo taageeray qaraarka, oo ay soo diyaariyeen Turkey iyo Yemen. Waxaa qaraarkaas diiday 9 waddan, halka 35 ay ka aamuseen, sida ku cad diiwaanka QM. Bogga 18-aad ee  dokumentiga QM ee halkan ku lifaaqan ayaad ka heli kartaa sida dalalka u kala codeeyeen.

Ka sokow codeynta, Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay mowqifkeeda, waxaana go’aanka Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda ay ku qeexday “Mid halis ah”

Qoraal waqtigaas kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Waxaan ku boorineynaa dowladda Mareykanka inay si dhab ah dib uga fiirsato halista go’aankeeda uu ku yeelan karo mustaqbalka Bariga Dhexe iyo guud ahaan dunida”

Waxay sidoo kale ka codsatay dalalka Carabta iyo Islaamka inay laba laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helidda arrimaha Falastiin.

“Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay dadka Falastiin ka taageeraan halganka ay ugu jiraan xuquuqdooda” ayaa lagu yiri qoraalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com