Boosaaso (Caasimada Online) – Kadib furitaankii garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaa soo baxay saluug badan oo ay muujiyeen qaar kamid ah beelaha daga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kuna saleysan hab maamulka garoonka diyaaradaha magaalada.
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka taagan kacdoon cusub oo ka dhacay habka maareeynta shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso kaasi oo u dhaxeeyo qaar kamid ah beelaha daga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa lagu soo waramayaa inuu xal u raadinayo kacdoonka ka jiro magaalada Boosaaso, waxaana uu kulamo gaar gaar ah la yeelanayaa beelaha daga magaalada Boosaaso.
Iyadoo ay sidaasi jirto ayaa haddana waxaa magaalada Boosaaso lagu daadiyay warqado ay ku qornaayeen sida dadka ay kaga xun yihiin qabka loo maareeyay shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo dhawaan la furay oo beelaha qaar aysan helin sida wararka ay sheegayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

