Caddeyn: Maxaa ka jira hadalka ka soo yeeray hanti dhowrihii xilka laga qaaday ee ah in xafiiskiisa Documents laga qaatay?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hanti-Dhowrkii Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka dhawaajiyey in xafiiskiisa lagala baxay Documentiyo ka dhan ah Madaxweye Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre.

Wuxuu sheegay in xafiiskiisa la jabsaday isla markaasna ay ilaalada Madaxtooyada kala baxeyn Documentiyo Muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen kuwa liddi ku ah Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha/

“Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyadda oo ku shaqeeynaya amarka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafiiskeyga jabsaday oo la baxay documents-yo, iyo agab kale oo qaas, waana tallaabo madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ugu xadgudbeen sharciga iyo nidaamka dowliga ah”ayuuu yiri Nuur Faarax.

Caasimadda Online ayaa dabagal ku sameysay hadalka kasoo yeeray Nuur Faarax, wuxuuna ahaa hadal markii horeba laga sugayey, maadaama uu yahay nin kaarto badan isla markaasna raadinayo qaab kasta oo uu uga hor imaan karo xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiskii Hanti dhowraha qaranka oo uu hadda si kumeel gaar ah ugu shaqeeyo ku xigeenkiisa, ma jiro wax Document ah oo laga qaatay xafiiska, weliba waxay ka dhawaajiyeen inuusan jirin wax document ah oo yaalay xafiiskiisa kuwaas oo Liddii ku ah Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Hanti Dhowrihii xilka laga qaaday ayaa muddo 2 Berri ah laga codsanayey inuu xafiiska yimaado isla markaana furaha wareejiyo, balse wuxuu lahaa ujeedka uu maanta ka dhawaajiyey, waxayna dowladda Soomaaliya go’aansatay markii uu dhowr jeer ka baxay ballamo loo qabtay inay jabiso xafiiska isla markaasna si kumeel gaar ah loogu dhiibo ku xigeenkiisa oo uu Farmaajo xilkaas u dhiibay.

Ujeedka ugu weyn ee uu Nuur Faarax ka lahaa diidmada inuu xafiiska Wareejiyo ayaa ah inuu dacaayad iyo been ka abuuro Madaxda ugu sareyso dalka, midaasna waxay aheyd caado uu leeyahay oo uusan hadda bilaabin.

Markii Farmaajo uu la wareegay Maamulka Madaxtooyada ayuu ka dhawaajiyey in xafiiskiisa lagala baxay Document muhiim ah, wuxuuna arrintaas ku eedeeyey inay ka dambeeyaan shaqsiyaad ka tirsanaa Dowladdii Xasan Shiikh, waxaana arrintaas loo saaray guddi ajaanib ah oo baaritaan kusoo sameeyo, waxaana ugu dambeyn lasoo ogaaday inay arrintaas been abuur aheyd.

Xilligaas uu been abuurka sheegayey Hanti dhowraha wuxuu doonayey inuu xilkiisa sii hayo ila markaasna iska dhigo sida qof daacad ah ah oo musuq maasuq diidan si uu Farmaajo uga helo kalsooni uu xilkiisa kusii hayo.

Ugu dambeyntii hadalka hadda kasoo yeeray Hanti Dhowraha qaranka ayaa la mid ah midkii hore uga dhawaajiyey, wuxuuna ku doonayaa inuu uga hor yimaado xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET