Yaa ka mid ah safiirada cusub ee la filayo in maanta la magacaabo?

Muqdisho (Caasimada Online) – DFS ayaa wado dadaalo kama danbeyn ah oo lagu magacaabayo Safiiro dhowr ah oo u matali doona wadamada uu xiriirka kala dhexeeyo.

Safiirada cusub ee uu qorshuhu yahay in la magacaabo ayaa waxaa ku jira mas’uuliyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay DFS.

Safiirada cusub ayaa waxaa lagu wadaa in la magacaabo inta lagu guda jiro shirka khamiis laha ee Golaha Wasiirada waxaana liiska magacaabida kasoo muuqan doona shaqsiyaad ku caan baxay Siyaasada labadii sano ee ugu danbeysay.

Xogaha aan ilaa iyo hadda heleyno ayaa muujineysa in shirka Golaha Wasiirada looga dhex dhawaaqi doono Safiiro cusub ay yeelanayaan Safaaradaha ay DFS ku kala leedahay dalalka Kenya, Britain iyo Turkey.

1-Safiirka Somalia ee dalka Britain ayaa lagu wadaa in loo magacaabo C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo ah la-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

2-Safiirka cusub ee DFS u fadhin doona dalka Kenya ayaa la sheegay inuu noqon doono nin magaciisa lagu sheegay Xuseen Qaasim oo ka soo jeeda magaalada Jigjiga.

Xuseen Qaasim ayaa la soo shaqeeyay Madaxii hore ee Kooxda UN Monitoring Group Matt Bryden.

3-Dowlada Federaalka ayaa sidoo kale Safiir cusub u magacaabeyso dalka Turkiga kaa oo bedeli doona Safiirkii hore oo iminka xil ka haya DFS, waxaana Safiirka cusub loo magacaabi doonaa nin magaciisa lagu soo gaabiyay Jaamac Ceydiid.

Safiiradaani cusub ayaa waxaa si wada jira usoo xulay Madaxweynaha Somalia, Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha dibadda.

Dhanka kale, waxaa xigi doona Safarado kale oo kuwaa oo laga bedeli doono kuwa hadda haya xilalka, iyadoo loo bedelo doono Safiiro cusub.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET